Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la kulmay guddida is waafajinta xeerarka doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele iyo Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa maanta la kulmay guddida gaarka ah ee is waafajinta xeerarka doorashooyinka ee Golaha Wakiillada, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxaanay ujeedada kulanku daarnayd is xogwaraysi iyo talo bixin la xidhiidha xeerarka doorashooyinka ee xeer lr 91/2020 iyo xeer lr 14/2011.

Kulanka oo muddo saacado ah socday ayaa ku soo dhamaaday jawi degen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this