Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwo oo taageero horleh ka heshay BF xilli u sharaxan tahay kursi muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Baarlamaan-codeyn.jpg?fit=2048%2C1366&ss

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kalfadhiga saddexaad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta oo ajendihiisu ahaa ansixinta hindise-sharciyeedka Qaxootiga Qaranka iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwo Bashiir oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Marwo oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, ayada oo sidoo kale ka codsatay golaha taageero, midaasi oo maanta loo meel-mariyay

Kursiga ay u tartameyso Marwo ayaa waxay Soomaaliya uga faa’ideysan kartaa arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda iyo go’aano masiiri u ah dalka, sida ay warbixinteeda ku sheegtay Xildhibaannada.

Xildhibaannada qaar oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay in loo qaadhaamo oo lacagana loo jaro Marwo, iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in gabadh Soomaaliyeed yeelato han ay ku metesho guud ahaan Afrika ama umadda Soomaaliyeed.

“Aan u istaagno oo garab galno walaasheen, inta yar ee la sheegay gabadha aan ku taageerno markay tartameyso aan garab istaagno oo qofkii bixi kara aan dadaalno in agteeda istaagno,” ayey mid kamid ah Xildhibaannada haweenka ah ee golaha.

Guddoonka ayaa cod galiyay in Marwo gunnada Xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar oo taageero, taasi oo cod aqlabiyad ah ku meel-martay, mana jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ogolaadey in gunnada xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar xildhabaannad Marwo oo u sharaxan madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

“Xildhibaannada sharafta leh kooramkeena waa 141 mudane, aamus majiro, diidana majirto sidaas daraadeed waxaa la go’aamiyay in Xildhibaannad Marwo ku taakuleyno min laba boqol oo jeebkeena waana ansax, waa mahadsan tihiin.”

The post Marwo oo taageero horleh ka heshay BF xilli u sharaxan tahay kursi muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this