Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo maanta daah-furay sanduuqa TPSS

Recommended Posts

Deeq A.   
377564288_665000035729146_92165900368902

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya.

Sanduuqan ayaa waxaa hirgelintiisa dowladda federaalka Soomaaliya ka taageereyso dowladda Talyaaniga, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa TPSS uu marag u yahay ahmiyadda ay xukuummada Dan-Qaran siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa dalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Sidoo kalr waxa uu Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS.

Mudane Xamza ayaa waxa kale oo uu beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro-dhala.

Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi oo isna munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballan-qaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabba-gelinta Sanduuqa TPSS, si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso dadweynaha Soomaaliyeed.

Munaasibadda daah-furka Sanduuqa TPSS oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, diblomaasiyiin, qaar kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

377564288_665000035729146_92165900368902

377542655_664999639062519_31899379971021

377562626_664999859062497_76820153080436

377567783_664999815729168_21788883408611

377542366_665000365729113_11865511139561

377873771_664999569062526_30880965421017

377561534_665000315729118_83492439571257

377827624_665000535729096_14408271210762

377548742_665000825729067_37442279019521

377681771_665000785729071_84739493741468

377567776_665000902395726_50151271830594

378868381_665001195729030_49308298093028

379057050_665001252395691_69649216950442

377567753_664999939062489_58081126168736

377678691_665000015729148_71187878873075

The post Sawirro: Xamza oo maanta daah-furay sanduuqa TPSS appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this