Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Waaxda Dhulka oo ka Furmay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirweynaha Waaxda Dhulka oo ka Furmay Hargeysa
IMG-20230913-WA00091-300x200.jpg
IMG-20230913-WA0010-300x200.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Shirweynaha Waaxda Dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa maanta ka furmay Hotel Maansoor exe magaalada Hargaysa.

Waxaa shirkan ka soo qayb galay Maayirka Caasimadda, Xoghayaha fulinta, shaqaalaha waaxaha dhulka, shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Geosol.

Waxaa si adag looga doodday xal u helidda caqabadaha soo noq-noqda ee waaxda dhulka, waxaa war-bixinno iyo talooyin laga dhagaystay agaasimaha waaxda dhulka, maamulaha shirkadda Geosol, qaar ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka, gudddoomiyayaasha degmooyinka Caasimadda iyo xubno kale oo muhiim ah.

Sidoo kale waxaa shirkan ka soo qayb galay Maayirradii hore ee Caasimadda Cabdiraxmaan Solteco iyo Eng Jiciir oo talooyin, tusaalayaal, khibrad, iyo waayo aragnimo, wixii ay u soo joogeen ka warramay kuna soo kordhiyey Shirweynaha Waaxda Dhulka Dawladda Hoose ee Hargaysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this