Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo Sida Fiinta uga Qayliyay Garoon la Faasaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo Sida Fiinta uga Qayliyay Garoon la Faasaxay

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa sheegay in la faasaxay oo la iibiyay qayb ka mid ah garoonkii kubadda cagta ee Dhalinta oo laga dhex dhisayo garoon kubadda kollayga ah oo cid gaar ahi leedahay.

Sidaasna wuxuu ku sheegay Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi qoraal uu ku qoray Facebookgiisa, wuxuuna yidhi

“Garoonkan haddii uu gacanta dadkeenna ka baxo waa in la fishaa wax kasta degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo Gacma-dheere garoon intaas ayay haystaan.”

Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Danta guud ummaddu ha midowdo oo ha ilaashato.$65000 dhallinyaradaa ka qaalisan.”

“Garoonka dhalinta Kacaanku uma qaybsamayo kubadda cagta iyo kubadda Kolleyga oo marka horeba wuu ku yaraa kubadda cagta,”ayuu yidhi Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this