MoonLight1 Posted November 21, 2009 Askarta Sacuudiga oo 7 muhaajiriin Soomaali ah ku dilay xuduuda Yemen iyo Sacuudiga. Warar ka imaanaya dalkaasi Sacuudiga ayaa tibaaxaya in ay geeriyoodeen 7 ruux oo Muhaajiriin Soomali kuwasoo ku sii jeeday dalka Sacuudiga, waxaana toogtay askar xuduuda ilaalisa ee dalkaasi boqortooyada sacuudiga xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan xuduuda oo ay gudaha u galaan dalkaasi. Dhacadadan ayaa dhacday ka dib markii askarta sacuudigu ay ku amreen muhaajiriintaasi inay istaagaan ka dib markii la qabtay, lakiinse muhaajirinta ayaa isku dayay inay orod ku baxsadaan, waxaan markaasi rasaas ooda kaga qaaday askarta sacuudiyaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in soomalida muhaajiriinta aya tiro ahaan ay ka badnaayeen 7 isla markaana qaarkodii baxsaday ay dib ugu laabteen dalka yemen oo markii hore ay ka soo kicitimeen. Arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli xuduuda Yemen iyo Sacuudiga uu ka jiro dhaq dhaqaaq meleteri oo xoogan ka dib dagaalkii dhex maray qolyaha mucaarad xuutiyiinta ee Yemen iyo xukuumada Yemen dagaalkaasoo ka dhacay agagar xuduuda sacuudiga. Lakiinse Soomalida muhaajiriinta ah ayaanan ogeyn xaalada halkaasi ka taagan iyado weli dhagahooda ay ka sii guuxayaa madaafiicda iyo dilala joogtada ah ee ay ka soo carareen iyagoona doonaya inay gaaran meel ay ku nabad galaan isla markaana ay ku helaan nolol fiican. Ilaa iyo haatan dowlada sacuudigu kama hadal dhacdadan iyo sida ay arkaan madaama askartu ay si bareer ah dad rayid ahi ay rasaas ugu fureen iyagoo adeegsan karay siyaabo kale oo dadkaasi ku qabtaan ama uga joojiyaan inay xuduuda gudbaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro shaki xoog leh oo laga qabo soomalida iyadoo Todobaadkan gudahiisa lagu qabtay xuduuda Soomali hub u sida qolyaha shiicada ah ee ku kacsan dowlada Yemen sacuudiguna uu dagaal dhex maray. jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peacenow Posted November 21, 2009 Aha .....no posts I see. No why is that?! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 22, 2009 Now see ?? ,,, they are welcomed in the west and shot in the Arab countries. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted November 22, 2009 Nasiib Daro, Illaahay ha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites