Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Maxkamadda Sare Iyo Guddida Diiwaan-gelinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Maxkamadda Sare Iyo Guddida Diiwaan-gelinta
IMG-20230913-WA0012-300x200.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo sii wada kulmadoodii shaqo ayaa maanta goobo kala duwan ku yeeshay Fadhiyadoodii 12aad iyo 13aad.

Guddida ayaa Fadhigii 12aad oo ay ku yeesheen xarunta golaha la kulmay Guddida Diwaan gelinta Ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka.

Sidoo kale waxa ay Guddidu la kulmeen Maxkamada Sare ee Somaliland kula kulmeen Guddoomiyaha maxkamada sare iyo kuxigeenkiisa iyo waliba xubno kamid ah garsoorayaasha maxkamadda dastuuriga ah ee dalka.

Fadhiyadani oo shir gudoominayay Guddoomiyaha guddidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi ayey guddidu kulamadaasi ku urursadeen talooyin kala duwan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this