Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo qarxiyay Ceel biyood ku yaalla Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
ceel-gumarroow-8.jpg?fit=1440%2C1440&ssl

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka uu qarax xoogan ka dhacay deegaanka Ceelgaras oo ay maalmo kahor ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa ka dhex dhacay Ceelbiyood ku yaalla deegaankaasi, waxaana la sheegay inay ku xireen xubnaha Al-Shabaab, kahor inta aysan ka bixin deegaankaasi.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaas oo ka yimid dhulka miyiga ah, si uu biiyo uga dhaansado ceelka.

Warbaahinta dowladda ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa uu kamid ahaa kuwa badan oo Al-Shabaab ku xireen magaalada, balse intooda badan lagu guulaystay in lasoo saaro.

“Kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ayaa ka hor inta aanan lagala wareegin magaaladan waxay ku xireen miinooyin dhammaan goobaha muhiimka ah, inkastoo ciidanka dowladdu ay ka saareen Qaraxyo badan oo cadowgu ugu tala galay inuu ku dhagro ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogaga warbaaginta dowladda.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in weli ciidamada dowladda ay howlgallo culus iyo miino baaris ay ka wadaan deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

“Ciidanka Xoogga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa maalinkii shanaad ku sugan magaalada Ceelgaras ee gobalka Galgaduud, waxaana weli socda howlgallo ay ciidamadu ka wadaan magaalada iyo tuulooyinka u dhow dhow” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa haatan kusii siqada deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobollada dhexe, inkastoo mararka qaar ay la kulmaan weeraro iyo qaraxyo.

Maalin kahor ahay ahayd markii qarax ka dhacay isla deegaanka Ceelgaras lagu dilay laba xildhibaan oo ka tirsanaa Galmudug kadib markii ay miino la kacday gaarigii ay la socdeen.

The post Al-Shabab oo qarxiyay Ceel biyood ku yaalla Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this