Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo shaacisay magacyada iyo sawirada 7 sarkaal oo Shabaab laga dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
nisa.png?resize=1000%2C659&ssl=1

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada toddoba ka mid ah xubnaha sare ee kooxda AlShabaab, oo ay sheegtay in lagu dulay howlgallo dhowaan dhacay.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in lix ka mid ah xubnahaas lagu dilay weerar 10-kii September ka dhacay deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubinta 7-aad ayey NISA sheegtay in lagu dilay deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud, oo u dhow magaalada Dhuusomareeb, 11-kii September.

NISA waxay sheegtay in howl-gallada lagu dilay xubnahan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka.

Halkaan ka akhriso magacyada

1- Sheekh Cabdullaahi, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
2- Cali Timajilic, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
3- Bashiir Dheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
4- Cabdiqafaar, oo loo yaqaanay Macallin Nadaara, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
5- Shaaciye Maxamed Cali, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
6- Sakariye Maxamed Bashiir, oo loo yaqaanay Cadnaan ama Sandheere, oo lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
7- Axmed Cali Daahir Shuuke, oo lagu dilay hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.

PUNTLAND POST

The post NISA oo shaacisay magacyada iyo sawirada 7 sarkaal oo Shabaab laga dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this