Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso magacyada: Xubnaha golaha fulinta maamulka SSC-Khatumo oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
SSC-Khaatumo-Khatumo.jpeg?fit=1600%2C160

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magacaabay xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Dikreetadaan oo lagu magacaabay sagaal xoghaye oo hoggaamiyaha Khaatumo uu sheegay in baahi loo qabo, xubnahaan ayaa lagu xushay khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay, sida lagu sheegay dikreetadaan.

9-ka xubnood ee loo magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa kala ah:

  1. Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
  2. Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  3. Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
  4. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
  5. Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
  6. Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  7. Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
  8. Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  9. Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska

Markii ay xoogagga SSC ka adkaadeen ciidamada Somaliland, waxaa Laascaanood lagu dhisay maamul la yiraahdo Khaatumo, kaas oo doonaya in xubin uu ka noqdo maamullada xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, balse weli diidmo adag iyo gacan ka hadal ayay kala kulmayaan Somaliland.

378223992_243635355330548_64169149407468 378401327_243635348663882_56692795342641

The post Aqriso magacyada: Xubnaha golaha fulinta maamulka SSC-Khatumo oo la magacaabay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this