Deeq A. Posted September 13, 2023 Somaliland Diblomaasiyiinta Caalamka Gaadhsiiyay Tacadiyada Huwantu u Geysteen Maxaabiistii Ciidanka Qaranka Hargeysa(Qaran news)-Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ayaa kulamo la xidhiidha xad-gudubka xuquuqda maxaabiista Ciidanka Qaranka ee kooxaha huwantu hayaan la wadaagtay diblamaasiyinta caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ciise Keyd Maxamuud oo uu weheliyo ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika iyo IGAD Mudane. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo kulan la yeeshay wakiilada safaaradda Somaliland ku leeyahiin dalalka Ingiriiska, Itoobiya, Jabuuti, Kenya Taiwan, Turkey, Imaaraadka Carabta iyo wakiiladda Hay’adaha Caalamiga ah sida Qarammada Midoobay, Midowga Yurub iyo hay’adda ICRC. Kulanka ayaa la sheegay in Wasiir Ciise u gudbiyey wakiiladda Dublamaasiyiinta sida xun ee loola dhaqmay maxaabiista lagu qabtay Laascaanood. Wasiirku waxa uu la wadaagay walaaca xukuumadda ee ku xad-gudbida xuquuqul insaanka ee maxaabiista. Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Ciise Keyd ayaa ku boorriyay diblamaasiyiinta inay si degdeg ah wax uga qabtaan xaaladdaha. Kulanka ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii xukuumaddu soo saartay warbixinno la xidhiidha ku-xadgudubka maxaabiista iyo ula dhaqanka hannaan ka baxsan xeerarka caalamka ee maxaabiista iyo anshaxa diinta islaamku jideysay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites