Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo isku shaandhayn ku sameeyay xukuumadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto aan la shaacin oo cidda ay khusayso oo qudha loo dhiibay waxa uu xilalkii kaga qaaday Wasiirkii Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Biyaha,isagoo sidoo kale isku-beddel ku sameeyey qaar ka mid ah Wasiir-ku-xigeennadiisa.

Xogaha waxa ay sheegaya in:

1.Cabdiraxmaan Xirsi Dhooble loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.

2. Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud iyo Guriyeyta Md. Maxamuud Warsame Jaamac waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Somaliland

3.Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Beeraha Marwo Yurub Abiib waxa loo beddelay inay noqoto Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada.

4.Maxamed Maydhane Ibraahim waxa loo magacaabay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka  Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland.

4.Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Cabdinajiib Ibraahim Muumin waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.

5.Wasiir-ku-xigeenkii Xanaanada Xoolaha Maxamuud Jaamac Warfaa Wedka waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this