Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Is Waafajinta Doorashooyinka oo Kulamadii ugu Badnaa Talooyin ku Urursaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Is Waafajinta Doorashooyinka oo Kulamadii ugu Badnaa Talooyin ku Urursaday
IMG-20230912-WA0005-300x200.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka ee Golaha Wakiillada JSL ayaa fadhiyadoodii 9aad, 10aad iyo 11aad oo maanta ka qabsoomay xarunta golaha waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Guddoomiye kuxigeenkii koowaad ee Komishanka Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan).

Waxa kaloo ay la kulmeen Xasan Macalin oo isna ahaa afhayeenkii hore guddida diiwaan-galinta ururrada siyaasadda iyo urur siyaasadeedyada aan weli aqbalin go’aankii ay soo saareen Guddida beelaha bariga Burco ee soo jeediyay in la isa saaro doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda, si looga baxo khilaafkii doorashooyinka.

Geesta kalena waxa Guddidu ay iyagana talooyin weydiiyeen oo la shireen ururrada bulshada rayidka ah oo ay ka mid yihiin SONSAF, SONYO, NAGAAD, Ururka Qareennada Somaliland, Dallada NAFIS iyo HAVAYOCO.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this