Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in duqeyn ay ku leysay koox qarax u qorsheysay Ruun-nirgood

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Ruun-nirgood (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyn maanta Al-Shabaab loogu geystay aagga degmada Ruun-nirgood, taas oo lagu laayey maleeshiyaad badan.

Qoraalkaan oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxaa lagu sheegay in kooxda la duqeeyey ay dooneysay inay weerarto ciidamada deegaanka ee ku sugan degmada Ruun-nirgood ee gobolka Sh/Dhexe.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruundhirgood ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan degmadaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dowladdu waxay sheegtay in la gubay gaari ay Shabaab qarax ku soo rareen, kaas oo sida caadada u ah ay doonayeen inay weerarka ku bilaabaan.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ku guulaystay iny ku burburiyay gaari Noha ah oo Khawaarijtu ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa,” ayaa lagu yiri qoraalkaan oo goordhow ka soo baxay dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Ciidamadu waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagartii Khawaarijta, sidoo kalena ay laayaan maleeshiyaadkii ay soo qaldeen, iyadoo qof kale uusan khasaare ka soo gaarin.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku badan dhulka howdka ah ee u dhow degmada Ruun-nirgood, waxaana halkaas si joogto ah uga dhaca beegsiga iyo dagaalo joogto oo u dhaxeeya ciidmaada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Degmada Ruun-nirgood ayaa ku taalla goob istaraatiiji ah oo u dhaxeysa gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana ku dhow dhul howd ah oo dowladda ay ku adkaatay inay ka saarto  maleeshiyaadka Al-Shabaab oo aad uga baqa duqeymaha.

The post DF oo shaacisay in duqeyn ay ku leysay koox qarax u qorsheysay Ruun-nirgood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this