Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiir Fiqi

Recommended Posts

Deeq A.   
Yaasiin-Farey-scaled.jpeg?fit=2560%2C170

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Farey ayaa u jawaabay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi oo Xarardheere ka sheegay inay xorey doonaan degmooyinkii dhawaan laga baxay ee Ceeldheer iyo Galcad, ilaa Ceelbuur.

Yaasiin Farey oo soo saaray qoraal dheer ayaa sheegay in deegaanadaas ay xoreysa doonaan dadkii u dhashay oo u diyaarsan inay la dagaalamaan argagixisada.

“Deegaanada Bariga Galgaduud iyo Mudug waxaa u taagan oo xureynaya dadka u dhashay, ku dhashay, iyo kuwa matala oo kaashanaya CXD Soomaaliyeed,  waana uga mahad-celineynaa garabka ay siinayaan bulshada Soomaaliyeed iyo sida ay u ciribtirayaan Khawaarijta,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray “Hadalka kasoo yeeray Axmed Macalin Fiqi ma aha mid ka turjumaya, loo akhrin karo ama loo fasiran karo abaabul bulsho, mas’uuliyad iyo mowqifka dib u xureynta, waa kala qeybin bulsho iyo kala dhantaalida juhdiga socda.”

Sidoo kale Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa qoraalkaan ku yiri “Hadalka Fiqi waxa uu lamid yahay qadafyadii uu ku suntanaa sooyaalkiisa siyaasadeed ee ahaa ‘No More Reer Hebel, iyo ijaafooyinkii uu hore ugu geystay Ciidamada Qaranka guud ahaan’ si gaar ah ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay sifooyin aan u qalmin oo sharaf dhac ku ah”.

Yaasiin Farey ayaa ku dooday in dadka deegaanadaas ay waayo badan ku soo jireen halgan adag, isla markaana aysan u qalmin hadalo niyad jab ah, isagoo rajo ka muujiyey in mar dhow uu guuleysa doono halganka ay ku jiraan dadka dega bariga gobolka Galgaduud.

“Marnaba uma qalmaan dadka xaq u dirirka ee dhiigooda shubayey 14 bilood iyo CXDS in hadalo meel ka dhac ku ah ay ku hadaaqaan siyaasiyiinta uu ka lumay bartilmaameedka iyo jeheeynta dib u xureynta dalka. #Halganku  waa guuleysanaa,” ayuu yiri Yaasiin Farey.

Jawaabta uu Yaasiin Farey siiyey Wasiir Fiqi ayaa hadal-heyn ka dhex abuurtay baraha bulshada, Fiqi ayaa in ka badan 10 cisho ku sugan degmada Xarardheere oo ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa maalin ka hor Xarardheere ka sheegay inay abaabuleen ciidan xoog leh oo ku filan inay kooxda Al-Shabaab ka xoreeyaan dhulka ay ka joogaan Galmudug, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Xarardheere tagaan Madaxweynaha Galmudug, Taliye Mahad Salaad iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

The post Xildhibaan Yaasiin Farey oo si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray Wasiir Fiqi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this