Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo luuqad qabiil ku abaabulaysa colaadda Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Somaliland ayaa saaka bilaabay in ay luuqad qabiil ku guubaabiyaan ciidamadooda ku sugan degaanka Oog.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saaka ciidamada Somaliland loogu khudbeeyay luuqad qabiil islamarkaana loo sheegay in ay ku dagaallamaan mabda’ beeleed.

Saraakiisha Somaliland ee ku sugan Oog ayaa hadalkaas u jeediyay ciidamadii ku soo jabay Gooja-cadde oo ay weheliyaan maleeshiya-beeleedyo ururis ah.

Saraakiisha ayaa u sheegay ciidamadooda in uu hadda kadib bilaabanayo dagaal beelaysan oo ka dhan ah haybtii Siyaad Barre iyo Moorgan.

Dhinaca kale Mahad Cambaashe iyo Axmed Bullaale oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada Somaliland ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo ayaa shalay loo diiday in ay tagaan Taliska Oog.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Somaliland isu diyaarinayso in ay duullaan culus oo rogaal ah ku qaaddo ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan Salinta.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo luuqad qabiil ku abaabulaysa colaadda Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this