Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan xisbiga Kaah oo gudoomiye iyo ku xigeen ka noqday guddiga doorashada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230912_144936081.jpg?resize=701

Xil. Fu’aad Abshir Adeer oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Deni ee Kaah ayaa maanta loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale loo doortay Axmed Maxamuud Cumar oo isna ka tirsan xisbiga xukuumadda ee Kaah.

Dhinaca kale guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Puntland oo maanta fadhi yeeshay ayaa ka dooday in mudda kordhin loo sameeyo hay’adaha dowladda.

Xubno kamid ah guddiga joogtada ah ee Baarlamanka ayaa soo jeediyay in dowladda loo sameeyo mudda kordhin laba sano ah si loo dhammaystiro hannaanka doorashada qof iyo cod.

Waxaase la isla gartay in doodddaas dib loo dhigo inta uu ka imaanayo madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku maqan safar dibadda ah.

PUNTLAND POST

The post Xubno ka tirsan xisbiga Kaah oo gudoomiye iyo ku xigeen ka noqday guddiga doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this