Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Wakiilladu u Saareen Talo-bixinta Doorashooyinka oo la Kulmay Ururrada Siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Wakiilladu u Saareen Talo-bixinta Doorashooyinka oo la Kulmay Ururrada Siyaasadda

Hargeysa(Qaran news)-Guddida iswaafajinta xeerarka doorashooyinka golaha Wakiillada JSL, ayaa fadhigoodii 8-aad oo maanta galinkii dambe waxa ay kulan la qaateen ururrada siyaasada Somaliland.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddidaasi xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayay gudida iyo xubnaha ururrada siyaasaddu isla gorfeeyeen meelaha ay Xeerarka doorashooyinka dalku uga baahan yihiin in wax ka bedel loogu sameeyo iyo sidoo kale aragtidooda la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Ururrada kulankan ka qayb galay, ayaa ka kala socday KAAH, BARWAAQO, MIDEEYE, RAJO, TALO-WADAAG iyo WAABERI.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this