Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka Xoogga Dalka oo jiho cusub uga dhaqaaqay CEELBUUR

Recommended Posts

Deeq A.   
376835141_693699079449191_84107620033007

Ceelbuur (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jihada waqooyi uga dhaqaaqay magaalada Ceelbuur, iyagoo la hawlgalaya ciidamada kale ee jihooyinka bari iyo koonfureed kaga sii siqaya magaaladaasi.

Ciidamadan, oo Isniintii ka qalab qaatay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa cagta saaray waddada aadda deegaanka Wabxo, oo qiyaastii 43km u jirta Ceelbuur.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hadda masaafo yar u jiraan deegaanka Ceelgorof, oo ku dhow Wabxo.

Ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada la faray in ay si buuxdo isugu furaan waddada xiriirisa magaalooyinka Maxaas iyo Ceelbuur.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay inaanan dib loogu laaban doonin Ceelbuur, iyadoo aan Al Shabaab laga kicin deegaanada ku teedsan.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadu ay si garbo siman isugu fidinayaan deegaanada, tuulooyinka iyo dhulka hawdka, si looga sifeeyo sida uu yiri cadowga.

Wasiir Shiiqow oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muddada ka harsan bishan September lagu soo afjari doono Shabaabka Galmudug.

Shabaabka ayaa mar kale wajahaya guluf ballaaran oo dhul iyo cirba leh.
376838715_693698982782534_71769387266929 376835141_693699079449191_84107620033007 376726149_693699126115853_61880712600404 377510194_693699186115847_69240189959615 376820137_693699269449172_10486113098853 376825331_693699312782501_64361070213952

The post Sawirro: Ciidanka Xoogga Dalka oo jiho cusub uga dhaqaaqay CEELBUUR appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this