Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khatumo oo sii deysay qaar ka mid ah maxaabiistii Somaliland kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
SSC-Khaatumo-Khatumo.jpeg?fit=1600%2C160

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay inuu xabsiga ka sii daayay laba kamid ah maxaabiistii Somaliland ee ay kusoo qabteen dagaalkii 25-kii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in labadaas maxbuus ay sii deysay uu dhaawacooda cusla, islamarkaana ay ku wareejisay hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas oo ayadu hore u booqatay maxaabiista Somaliland ee gacanta ku hayso SSC.

“Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu ku wargelinayaa cid kasta oo danaynaysa in aanu sii deynay laba maxbuus ‘oo ay ku qabteen’ 25-kii August ee dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada SSC iyo maleeshiyaadka Somaliland, labada maxbuusna dhaawacyo culus ayay qabaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay SSC-Khaatumo.

“Waxaa isku afgaranay in aan ku wareejino Laanqayrta Cas (ICRC), taas oo ku salaysan bini’aadantinimo, iyada oo hubinaysa inay helaan daryeelka ugu fiican ee la heli karo.”

Sidoo kale waxay sheegtay inay ka go’an tahay in maxaabiista dagaalka ee gacanta ku hayso lagula dhaqmo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

SSC-Khaatumo ayaa waxa kale oo ay “aad u bogaadisay” doorka muhiimka ah ee ICRC-du ay ka ciyaareyso taakuleynta maxaabiista, kuwaasi oo lagu soo qabtay dagaalkii dabaqayaadii August ee ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Somaliland ayaa dagaalkaas looga adkaaday, iyada oo laga qabsaday saldhigga Gooja-cadde. Wixii markaas ka dambeeyay waxay wadday abaabul dagaal, iyada oo ciidamo soo dhoobtay aagga.

Si kastaba, Somaliland ayaa horay ugu eedeysay SSC-Khaatumo in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC.

The post SSC-Khatumo oo sii deysay qaar ka mid ah maxaabiistii Somaliland kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this