Sign in to follow this  
Deeq A.

Qabashada Ceel-garas oo ka dhigan in Al-Shabaab lagu go’doomiyey 3 deegaan

Recommended Posts

Deeq A.   
376812324_824208716375300_26245002374967

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa shalay si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada huwanta ayaa deegaanka la wareegay kadib markii ay halkaasi saacado kahor isaga baxeen dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay ka warheleen gulufka kusoo wajahnaa.

Qabashada Ceel-garas oo ay markii ugu horeysay baahisay warbaahinta dowladda federaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay haatan “halkaasi ka wadaan howl-gal sifeyn ah.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka hadal warka ku saabsan in Ceel-garas ay ka baxday gacantooda.

Haddaba, Maxay ka dhigan tahay qabashada Ceel-garas?

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku tilmaamtay qabashada Ceel-garas “guul-weyn oo laga gaaray dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.”

Qabashada Ceel-garas ayaa ka dhigan in kooxda Al-Shabaab lagu go’doomiyay deegaanada Jowlo, Bargaan iyo Jacfar oo weli gacanta ugu jirta kooxda.

Fallanqeeyaasha ayaa sidoo kale qaba in tallaabadan ay ka dhigan tahay in howl-galka milateri ee Al-Shabaab ka dhanka ah uu weli yahay mid waxtar leh oo lagu cirib-tirayo argagixisada ku sugan deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug.

Howl-galka Ceel-garas lagu qabtay ayaa waxa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Si kastaba, Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

The post Qabashada Ceel-garas oo ka dhigan in Al-Shabaab lagu go’doomiyey 3 deegaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this