Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada buurta Gacanlibaax oo kala dareeraysa iyo gobolada ay ka soo jeedaan oo laga soo dhaweeyay kala diristooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqolaal ka mid ah dhalinyaradii jabhada Gacanlibaax ayaa ku soo qul qulaaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kuwaasi oo ka faa’iidaystay cafiskii ay xukuumadda Somaliland u fidisay dhawaan

Sidoo kale ay ku qanceen taladii iyo waanadii ay siiyeen gudiga beelaha West Burco Clan iyo wax garadka beeshaasi ee ku sygan deegaanka Go’da.

Sidoo kale gudoomiyihii jabhadaasi ayaa gabi ahaanba iskaga tagay goobtaasi iyada ay jabhadaasi qar qarka hada u saarantahay in ay kala dareeraan ayaa waxa jira in ay intaas yari ee soo hadhay ay samaystaan Gudoomiye wada hadalada soo gabo gabeeya si halkaasi si buuxda looga soo dhamaado.

Xubnaha ilaa hada buurta Gacanlibaax ku sugan ayaa shaaciyay in ay Gudoomiye u doiran doonaan afhayeenkii Jabhadaasi Axmed Cali Haybe

Dhanka kalena gudiga beelaha West Burco Clan ayaa sheegay in ay arinka ay u tageen uu hada meel fiican maraayo.

Dadweynaha beelaha West Burco Clan ee dagan shan gobol oo kamid ah gobollada Somaliland ayaa soo dhaweeyay kala dirista jabhadaasi iyaga oo raacaaya heshiiskii dhawaan la gaadhay, waxana ay dadweyne badani joojiyeen taageeradii ay siin jireen jabhaddaasi iyada oo la qaatay heshiiskii la isku afgartay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this