Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Xamza oo daah-furay laba mashruuc oo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
375040395_663930612502755_42401651002062

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay mashaariic cusub oo laga hirgelinayo dalka.

Mashaariicdan oo ah kuwa caafimaad ayaa kala ah Damal Caafimaad iyo Tallaalka COVID-19, kuwaasi oo laga hirgelin doono qaar kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay ku soo beegmeen waqti baahi weyn loo qabo oo deegaanno badan oo muddo dheer ay maamulayeen Shabaab-ka laga sifeeyey, islamarkaana ay dadku u baahan yihiin adeegyadii kala duwanaa ee dowladda.

“Xukuumadda Dan-Qaran waxaa ka go’an inay maalgeliso oo dhiirri-geliso caafimaadka maadaama uu aasaas u yahay nolosha bulshada, annagoo xoogga saarayna sidii aan u gaarsiin lahayn deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta adeegyada caafimaadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mashaariicdani ay wax weyn ka beddeli doonaan marka ay hirgalaan tayada iyo baahida caafimaad ee xiligaan ka jirta dalkeenna.

Mudane Xamza ayaa ku ammaanay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada sida ay mudnaanta u siineyso bixinta adeegyada muhiimka u ah caafimaadka dalka.

Labadan mashruuc oo ay fulinayso dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku baxaya lacag ku dhow labo boqol oo Milyan oo dollar, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Waxa uuna ra’iisul wasaare Xamza ka dhawaajiyay in lagula xisaabtami doono hey’adaha hirgelinaya mashaariicdani ay ku baxeyso malaayiinta dollar, si loo xaqiijiyo miro-dhalkooda.

375040395_663930612502755_42401651002062

376238164_663930722502744_83918431558581

375925220_663930372502779_36129224398331

376247277_663930842502732_83882615009487

376196745_663930579169425_37302366197406

375980419_663930375836112_11702066250648

375900931_663931095836040_37063388550570

375871781_663930352502781_71274719177492

376281746_663930625836087_47111613959889

376275145_663931359169347_42005209798105

376225495_663931502502666_75340733843213

377285010_663931869169296_69627330248459

375910608_663932145835935_39480379280012

375864412_663931439169339_87438075881018

375983863_663931645835985_17866360554409

376196789_663932392502577_12093091191570

375978372_663930759169407_83676847624656

377270339_663933212502495_57950889369953

376023012_663930812502735_28659977945812

The post Sawiro: Xamza oo daah-furay laba mashruuc oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this