Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo soo Bandhigay Hay’ad Dawladeed 2022kii Khasaartay iyo Mashaariic lagu Bixiyay Sharci Darro

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo soo Bandhigay Hay’ad Dawladeed 2022kii Khasaartay iyo Mashaariic lagu Bixiyay Sharci Darro

Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga WADDANI, Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa soo bandhigay mashaariic badan iyo Qandaraasyo ay dawladdu bixisay oo aan loo tartamin.

Xoghayaha Arrimaha Bulshashadu wuxuu sheegay in aan loo tartamin qanaraasyada ilaa 11 dhaam oo lagu bixiyay qaab ka arradan daahfurnaanta. Sidoo kale wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay in ilaa 30 Gaadhi oo kuwa raaxada ah oo ay Xukuumaddu iibsatay sannadkii 2022kii oo aan qandaraaskooda la soo bandhigin.

Maxamed Sidiiq Dhamme wuxuu sheegay in Hay’adda shaqaalaha Dawladdu ay qortay sanadkii 2022kii shaqaale 130 ah oo aan la naadin, loona tartamin. Sidoo kalena ay sifo sharciga ka baxsan shaqaale badan looga saaray xaashida mushahar bixinta iyo diiwaanka shaqaalaha, kuwaasi oo lagu bedeshay Shaqaale si gaar ah loo danaynayey tartan la’aan.

Xoghaye Dhamme wuxuu sheegay jn sannadkii hore Hay’adda madbacadda Qaranku ay gashay khasaare Boqolkiiba Toddobaatan ah, taasi oo weji gabax ku ah Xukuumadda iyo Masuuliyiinta Madbacadda; xili lacag Hal milyan oo doolar ah madaxweynuhu ku kabay sannadkii 2021kii.

Ugu dambeyn, wuxuu xoghayaha Arrimaha Bulshada WADDANI balan qaaday inuu soo bandhigi doono shaqaalihii dawladda ee ka qaybgalay shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, iyadoo xeerka shaqaaluhu ka mamnuucayo in hawlwadeenada dawladdu ku milmaan siyaasadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this