Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor-Qoor oo gaaray degaan ay maanta qabteen ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   
376845295_768840405282568_17374194340128

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud.

Ceel-garas ayaa waxaa maanta la wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, kadib muddo ay halkaasi ka talinaysay kooxda Al-Shabaab.

Masuuliyiintan ayaa bogaadiyay ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca shacabka ee cadowga ka xoreeyey deegaano badan oo dhaca Bariga Galgaduud, waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in shacabka Ceel-garas laga dulqaaday cadowgii muddo dhibaateynayay.

Qabashada Ceel-garas ayaa ka dhigan in la kala jaray marankii argagixisadii jirta jihadda Ceelbuur iyo kuwa jira Xiindheere iyo Qaayib.

Tani ayaa ka dhigan in kooxda ay awoodi la’dahay inay ku dagaalanto dhulkii ay mudada fog haysatay, iyada oo dareensan culeyskii dowliga ah iyo midka shacbiga ah ee soo foodsaaray bilihii lasoo dhaafay.

Shalay ayaa sidoo kale kooxda waxaa duqeymo looga laayay xubno badan, duqeymaha qaar waxay ka dhaceen inta u dhaxeysa Ceel-garas iyo Dhuusamareeb.

Sidoo kale khasaare xooggan ayaa kooxda kasoo gaartay duqeyn ay la kulmeen markii ay shalay isku dayeen inay weeraraan ama ay galaan Awdhiigle oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, howl-galka Ceel-garas lagu qabtay ayaa waxa uu kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.
377996754_768839865282622_14827637970000

378174664_768840051949270_80247361915747

378172114_768840205282588_56564985653523

378033749_768840241949251_44756549458572

376852298_768840318615910_54236058028448

378188293_768840365282572_85418748804279

376845295_768840405282568_17374194340128

377251823_768840421949233_19486723310736

376813249_768840541949221_19073122299092

376812679_768840585282550_31113924067980

The post Sawirro: Mahad Salaad iyo Qoor-Qoor oo gaaray degaan ay maanta qabteen ciidanka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this