Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimeyaal soo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimeyaal soo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaradda mac Nuur (Naakhuude) oo u wehelinaayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta, ayaa kormeer wadajir ah ku tagay si dardargalinta dhismaha Dugsiga farsamadda gacanta ee Hargaysa( Hargeisa Technical Institute). Waxaan kormeer koodaasi ku wehelinaayay masuuliyiin kale oo ka kala socoday labada Wasaradood.

Ujeeddada kormeer Kan ayaa daaranayd u kuur galida habsami u socodka dhismaha Dugsiga farasamadda gacanta ee hargaysa (Hargiesa Technical institute (HTI) oo dib-u-dhis lagu samaynayo lana casriyaynayo dhismaha dugsi oo la dhisay (1952).

Masuuliyiinta aya waxa halkaasi ku soo dhaweeyay ingineerada gacanta ku haya dhismaha dugsi iyo Maamulka dugsiga, waxaanay warbixin ka siiyeen qayb dhismayaasha socda iyo heerka dhismuhu ay marayaan waxaanay mid mid u soo tusaneen dhammaan qaybaha ay ka socdaan dhismayaashu.

Ugu danbaynta waxa ay halkaa masuuliyiintu uga mahad-naqeen Hay’adda GIZ tageerada wayn ee ay ka gaysatay hirgalinta mashruuca farsamadda gacanta ee ay iska kaashadeen dawladda Somaliland iyo GIZ.

Waxaana dhowaan lagu wareejindoonaa Dugsiga farsamadda gacanta gaadiid ka kooban Afar bus, kuwaasi oo loogu talo galay in lagu soo qaado ardayda ka imanaya meelaha fog fog.

gunaanadkii waxa halkaasi masuulliyintu kula dardaarmeen shirkada gacanta ku haysa dhismaha dugsiga in ay libin laabaan shaqadda ay gacanta ku hayaan, maadamo oo ardaydii dugsigani dhigan jirtay ay si ku meelgaadh wax ugu bartaan goobo kale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this