Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub kadib markii Shabaab ay…

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka-dagaal-howlgal-ciidamada-ci

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi saacado kahor isaga baxeen kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa haatan halkaasi ka wada gudaha iyo hareeraha deegaanka howlgalo ay ku xaqiijinayaan amaanka, kadib markii ay si nabad ah kula wareegeen Ceel-garas.

Sidoo kale ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa isla maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanada Cadcadeey iyo Cadaan-laxeey oo hoostaga Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa sidaan oo kale si nabad ah kula wareegay gacan ku heynta deegaanadaasi, kuwaasi oo la sheegay inay iska baxeen dagaal-yahaanada Al-Shabaab kadib markii ay ka warheleen howlgalka ku wajahnaa.

Howl-gallada lagu qabtay deegaanadan ay maanta la wareegeen ciidamada huwanta ah ayaa kusoo aadaya, iyada oo dowladda ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Si kastaba, Madaxda Qaranka iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa rejo badani ka muujinaya howl-galka culeyska weyn lagu saaray Shabaab-ka Bariga gobolka Galgaduud, si loo guda galo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo kusoo biirayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

The post Ciidanka DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub kadib markii Shabaab ay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this