Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay Ceelgaras oo ay la wareegeen ciidamada dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada qaranka iyo shacab hubeysan ay qabsadeen magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo horey gacanta ugu jirtay kooxda AlShabaab.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Dhuusamareeb, ayaa sidoo kale ku geeriyooday qarax miino oo ku qabsaday gaari ay wateen deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Qaraxan oo ahaa Miino ayaa qabsatay gaari ay wateen xildhibaan Hon Mohamed Mohamud iyo xildhibaan Cabdulaahi Ibraahim oo kala ah mudane ka tirsan baarlamaanka Galmudug iyo xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabadda, Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Golaha deegaanka Dhusamareeb ay ka geeriyoodeen labada marxuum.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay Ceelgaras oo ay la wareegeen ciidamada dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this