Deeq A. Posted September 11, 2023 Gaadhigii ay kooxda Gacalibaax ka soo afduubatay deegaanka Dhoqoshay ayaa goor dhawayd lagu wareejiyay gudiga beelaha West Burco Clan oo arinka gaadhigaasi ka galay wada hadal culus isla markaasina jabhadàasi u soo jeediyay in aan ficilkaasi oo kale aanu dib u dhicin. Gaadhigan oo ay lahayd wasaarada biyaha ayaa hada gacanta laga saaray gudoomiye ku xgeenka gudiga beelaha West Burco Clan Cali Fayr Xuseen oo gaadhigaasi uu hada gacantiisa ku jiro isla markaasina isagu la sheegay in uu u kaxayn doono magaalada Burco halkaasi oo ay xukuumaddu kagala wareegi doonto. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites