Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddidii is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Xisbiyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddidii is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Xisbiyada
IMG-20230911-WA00011-300x200.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL ayaa fadhigoodii 7aad ee maanta kulan ka yeeshay saddexda xisbi Qaran.

Shirkan oo uu Gudoominayey
Guddoomiyaha Guddidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) waxay si gaar gaar ah ula kulmeen saddexd xisbi Qaran.

Guddidu waxay ka dhegaysteen aragtidooda la xidhiidha xeerka doorashooyinka iyo go’aamadii ay soo saareen guddida beelaha bariga Burco ee la xidhiidhay in la isa saaro doorashooyinka.

Guddida ayaa dhawaan aqalka Wakiillada u gudbin doona tallooyin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this