Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay shirka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee Nairobi + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
377970048_692563089584799_43008613986641

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa haatan isugu tegay inta badan xubnaha mucaaradka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo uu Axaddii shalay shir xasaasi ah uga furmay halkaasi.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, sida saddex goomiye baarlamaan oo hore, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan oo horay usoo hoggaamiyay maamulka.

Sidoo kale waxaa madasha qayb ka ah agaasimihii hore ee madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo dhowaan uu is casilay, taliyihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, Senator Ilyaas Cali Xasan, wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Fargeete iyo rag kale.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa iyo arrinta doorashada oo ay dood ka taagan tahay

Xuseen Sheekh Maxamuud oo hadda ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay muhiimadda shirkooda Nairobi.

“Kulankan waxaan kaga doodi doonaa arrimo ay ka mid yihiin: Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada KGS. annaan doorasho oo loo dhan yahay, daah-furan, nabad iyo cadaalad ah oo ka dhacda Koonfur Galbeed, si waafaqsan heshiiskii Baydhabo ee Febraayo 2023” ayuu qoraalkiisa ku yiri Musharrax Xuseen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in musharraxiintu ay sameysan doonaan gole ay ku mideysan yihiin oo ay ku wajahayaan doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

“In la sameeyo hadaf iyo aragti fog oo ay musharaxiinta iyo siyaasiinta KGS ku mideysan yihiin kuna wajahan Koonfur Galbeed xasilloon, nabad iyo barwaaqo ah” ayuu ku daray.

Koonfur Galbeed ayaa haatan waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Laftagareen, taas oo ku aadan doorashada soo socota.

376015774_855211245960689_71738074897757 375898227_855211225960691_57172192869813 377970048_692563089584799_43008613986641 375983760_855211262627354_61629955733069

The post Wararkii ugu dambeeyay shirka siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee Nairobi + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this