Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo digniin kama dambeys ah u dirtay shacabka dhex deggan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Cirro.jpg?fit=660%2C371&ssl=1

Aadan Yabal (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu sii xoogeysanayo, wuxuuna digniin kama dambeys ah u diray shacabka weli ku sugan deegaanada Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in shacabka laga rabo inay ka dheeraadaan Al-Shabaab iyo goobaha lagu bartilmaameedsan karo, maadaama duulaan lagu yahay.

“Shacabow waxaan idin leeyahay isaga dheerada meelaha Shabaab joogaan, dadkaas waa kuwa la beegsanay, waa la duqeyna bad iyo dhulba waa lagu beegsanaya ee hadad kusii dhex jirtaana dhibkii idin gaara idinka ayaa isku geystay shacaboow taas ogaada” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka Lugta xoogga dalka Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen Ciro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mas’uuliyadda wixii dhibaata ah ee ka dhashay howlgalkan in aysan qaadi doonin ciidamada Xoogga, loona baahan yahay in shacabku ay qaataan digniinta, ayna ka fogaadaaan meelaha ay joogaan xubnaha lala dagaalamayo

“Haddii aadan ka fogaan wixii idin soo gaara idinkaa is yeelay, sidaas darteed beri diyaarad ayaa na duqeysay ama madfac ayaa nagu dhacay yaysan dhicin” ayuu mar kale yiri.

Jeneraal Cabdullaahi Aaden Xuseen (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay diyar u yihiin inay qaadaan gulufkii ugu dmabeeyay, si Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada ay hadda ka joogaan waddanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay duqeyn culus oo todobaadkan ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa jiidda hore u joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

The post Dowladda oo digniin kama dambeys ah u dirtay shacabka dhex deggan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this