Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano lagu dilay qarax ka dhacay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture.png?fit=769%2C395&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo goordhow ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta laga saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo dhigay xildhibaano ka tirsan Galmudug oo ku socdaalayay halkaasi, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurka la qarxiyay ay la socdeen xildhibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug iyo xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim oo isna kamid ah golaha deegaanka ee degmada Dhuusamareeb.

Labada xildhibaan ayaa isla goobta ku geeriyootay, kadib markii ay la kacday miinada loo dhigay baabuurka ay saarnaayeen.

Sidoo kale waxaa weerarkan uu khasaare dhaawac ah kasoo gaaray askar kale oo ilaalo ahayed labada xildhibaan ee ku geeriyootay qaraxaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxayna meesha kasoo qaadeen maydadka labada xildhibaan oo la geeyay magaalada Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka hadlay qaraxan, waxayna tacsi u direen ehellada labada xildhibaan ee lagu khaarijiyay qaraxaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, sida ay ku sheegtay qoraal ay goordhow ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

AUN xildhibaanada geeriyooday ayaa kusii jeeday furimaha dagaalka, si ay u dhiirgeliyaan ciidamada Xoogga dalka ee howlgallada ka wada halkaas, una qiimayaan xaaladdooda.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro & dagaallo toos ah oo dhaliya khasaare kala duwan.

The post Xildhibaano lagu dilay qarax ka dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this