Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Israel oo wacad ku maray in ay weerar ku yihiin caasimadda Iran

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-ff86-08dbb27ff1ad_cx0

Madaxa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad ayaa ku dhawaaqay in Israel ay diyaar u tahay inay weerarto magaalada Tehran si ay u daba-gasho kuwa uu sheegay in ay ka danbeeyaan in ka badan 20 isku day oo Iran ay ku beegsatay danaha yahuudda ee caalamka.

Isaga oo ka hadlayey shir amni, ayaa David Barnea waxa uu sheegay in Israel iyo xulufadeeda ay sannadkii tegay, 27 weerar ku fashiliyeen Yurub, Afrika, koonfurbari Asia iyo Koonfur America.

“Shirqoolada ay wadaan kooxahan waxaa soo agaasimay, hagayey oo ka dambeeyey Iran,” ayuu Barne u sheegay shirka Reichman University ee Tel Aviv.

“Ha qaldamina, kuwiinna go’aansaday inay soo diraan kooxaha. Ogsoonaada inaan idin heli doonno, oo caddaaladda la fulin doono si ay u wada arkaan dhammaan. Tani hadda kahor waa laga dhabeeyey, mustaqbalkana, waxaanu kor ugu qaadi doonaa heerka xiga” ayuu sii raaciyay.

Israel ayaa Iran u aragta cadowgeeda ugu weyn, ayada oo xiganeysa baaqyada Iran ee ah burbirnta Israel iyo taageeradeeda dagaal-yahannada ku sugan meelo ku dhow xuduudda Israel.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Israel oo wacad ku maray in ay weerar ku yihiin caasimadda Iran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this