Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20230911-WA0000-1.jpg?resize=835%2C6

Laamaha Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay Cumar Maxamed Ismaaciil oo ka tirsanaa madaxda kooxaha argagixisada ah ee AS.

Wararka ayaa sheegaya in shakhsigan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo halkaas oo uu doonayay in uu si dhuumaaleysi ah uga dhoofo.

Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka hor ku biiristiisa AS uu ku sugnaa Muqdisho, ahaana macalin dadka wax ku bara Alaadaha fogaan aragga ee (Online Internet).

Horjoogahan ayaa sida uu sheegay tababar ku soo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe islamarkaana uu shaqooyin kala duwan u soo qabtay kooxaha argagixisada ah.

Laamaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa durba baaris ku bilaabay shakhsigan gacanta lagu dhigay waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga.

PUNTLAND POST

The post Horjooge ka tirsanaa Alshabaab oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this