Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida iswaafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay 5 Komishineer oo hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida iswaafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay 5 Komishineer oo hore
IMG-20230910-WA0007-300x200.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Guddida iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka ee Golaha Wakiilada JSL ayaa fadhigoodii 6aad kulan xog waraysi ah la yeeshay Xubno ka mid ah komishaneeradii hore ee doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Guddida oo wada talo bixintii Golaha Wakiilladu ka sugayeen ayaa xog waran iyo talooyin ka urursaday xubno ka tirsanaa komishanadii hore oo ay shir wada jir ah la yeesheen, waxana ka mid ahaa:-
1. Ciise Yuusuf Xamari
2. Cabdifataax Ibraahim Sheekh
3. Cabdi Qaadir Iimaan
4. Kaltuun Sheekh Xasan
5. Cabdiraxmaan Dixood.

Guddidu waxa ay talooyin urursigooda kadib ka soo bixi doona tallo ku wajahan in la is waafajiyo doorashooyinka ururrada siyaasada iyo madaxtooyada oo guddidii ergada bariga Burco ay u cayimeen inay qabsoobto 13 November 2023ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this