Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta dheereysay abaabul-ka dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa haatan si dardar leh uga socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

Abaabulka dagaalkan ayaa qaatay waqti dheer, waxayna dowladda federaalka howlgalkan isku diyaarineysay in muddo ah, si loo helo ciidan iyo dhaqaale ku filan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale haatan muddo ka badan bil ku sugan jiida hore ee dagaalka, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo iyo kulamo ka wada Galmudug iyo HirShabelle.

Haddaba Maxaa sababay inuu waqti dheer qaato abaabulka dagaalka Al-Shabaab?

Mahad Wehliye oo bartay culuumta amniga, isla-markaana la hadlay Idaacadda VOA ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay waqtiga ugu badan gelisay dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ujeedka uu yahay in laga saaro waddanka oo dhan.

Aqoonyahan Wehliye ayaa xusay in Al-Shabaab aan sidaan lagu soo afjari karin, wuxuuna kula taliyay dowladda inay beddasho xeeladda dagaal ee ay ku wajaheyso kooxda.

“Qaabka ugu sahlan nimankan ay dowladda Soomaaliya dagaalka kula jirto loo soo afjari karo waxa ay tahay in dowladdu ay bedasho istaraatiijiyaddda milatari oo ay hadda dagaalka kula jirto oo ah in milatariga lagu weeraro, qaabkaasna ma ahan mid looga adkaan karo, laguna soo afjari karo” ayuu yiri aqoonayahan Mahad Wehliye.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la dagaal geliyo ciidanka Macawiisleyda, isla-markaana ay taageerto dowladda Soomaaliya, si ay ula dagaalamaaan Al-Shabaab.

“Hadda fursadda ay haysato dowladda waxaa waayay in ciidamada qabaa’ilka ah ee iyagu maanta u diyaarsan inay cadowgaan iska dul-qaadaan ay dowladdu hubeyso, saanadda ay u baahan yihiin lagu garab istaago” ayuu mar kale yiri Mahad Wehliye.

Waxaa kale oo uu yiri “Dagaalkooda oo abaabulan qaab jabhado camal ah dowladdu inta ay u isticmaasho iyaga ay la dagaalamaan ayaa wanaagsan”.

Dhankiisa Axmed Cabdi Haadi oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa tilmaamay in aysan xumeyn qaabka ay dowladdu ku waddo dagaalka, wuxuuna boggaadiyay guulaha la gaaray.

“Sida ay hadda ku socoto arrinta iyo wajigan qaybtiisa koowaad oo HirShabelle iyo Galmudug qaybo badan ayaa guul ku dhamaaday” ayuu isna yiri Axmed Cabdi Haadi.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad dagaal, waxaana iska kaashanaya dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, iyada oo ujeedadu ay tahay in laga adkaado Al-Shabaab.

The post Sababta dheereysay abaabul-ka dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this