Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Axmed Madoobe oo si adag u weeraray xubno uu Xasan ku hagraday dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Madoobe.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta uu aaminay madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo markii xilalka la siiyey dagaalka Al-Shabaab geli waayey ee ku fiirsaday madaxweynaha.

Sidoo kale alAxmed Madoobe ayaa farriin culus u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ku ah Xasan Sheekh, kuwaas oo mararka qaar hawada soo mariya hadallo hiilo u ah Al-Shabaab oo madaxweynuhu uu Tuute u qaatay inuu la dagaalamo.

“Madaxweynihii inta Tuute qaatay oo wiilkiisa watay ayuu hadba furin tegayaa oo gaari qarax ah loo dhigayaa, siyaasiga Soomaaliga ah iyo odaga kaaba qabiilka ah, mid kasta wuxuu rabaa inuu iska jiifo madaxweynihii oo furinta taagan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasi Soomaaliyeed oo rajo kaga jirto inuu dalkaan xukumo uu Xasan Sheekh ku xumeynayo u hiilinta Al-Shabaab.

“Ninka u arka hadii Shabaab laga adkaado inuu Xasan Sheekh xilka sii joogayo waan la yaabanahay aragtidiisa, siyaasigaas wuxuu maanta carqalad ku yahay howlgalka lagu jiro iuo dib u xoreynta dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa balan qaaday inay garab istaagayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, “Madaxweynow waan ku garab taaganahay, shaqadaan inaad banaanka u sii taagnaataan kaa rabnaa, siyaasiga ka soo hor jeeda dagaalka Shabaab waxaan weydiinayaa, ma Shabaab oo joogaad ku riyooneysaa inaad xil qabato?”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta iyo qurbajoogta ka codsaday inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku garab istaagaan dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu farriin u diray reer Jubbaland.

“Reer Jubbaland waxaan idinka codsanayaa aan u diyaar garowno inaan dagaal galno, dowladnimadii dalkaan shan sano oo lasoo dhaafay waxaa lagu burburinayey amniga dalka, 80% amnigii aan Gedo ka hirgeliyey dowladda ayaa burburisay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Wuxuu khatar ka muujiyey hadii ciidanka Jubbaland uu dagaal geliyo, sida ay ku sii difaaca karaan dhulka ay ka xoreeyaan Al-Shabaab, maadaama ay aad u yaryihiin, “Shalay Xasan Sheekh ayaa dowladnimo noogu dambeeyey, maanta ayuu mar kale soo laabtay jidkii toosnaa ayuu hayaa ee aan garab istaagno,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Hoos ka daawo

 

The post Daawo: Axmed Madoobe oo si adag u weeraray xubno uu Xasan ku hagraday dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this