Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Cabdi Shukri Jiija

Recommended Posts

Cabdushugri%20cali.jpg

 

Maarso 5, 2007 Markacadeey - Cabdi Shukri oo ka mid ahaa xubnihii ku jirey Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisada ayaa sheegay in habka ay wax ku qado dowlada federaalka uu yahay mid aan shaqeyn karin, waxna ka qaban Karin arrimaha Soomaaliya.

 

"Shirarkii hore ee dib u heshiisiinta ee arrimaha Soomaaliya, waa markasta ka hor imaan jirey beesha C/laahi Yuusuf iyo C/laahi oo dhihi jirey looma dhama, tanina waa looma dhama," ayuu yiri Cabdi Shukri.

 

"Hadii shir dib u heshiisiin ah la qabanayo, waa in aan dadka mudan la jujuubin, doowladana aaney indhaha istirin," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Shukri.

 

"
Hogaamiyeyaashii kooxaha ee dalka jooga midkooda aragtidooda ma soo bandhigi karo, waayo waxaa u hanjabayo Itoobiyaanka
," [
:D
] ayuu yiri Cabdi Shukri oo sheegay in loo baahan yahay in dowlada ay wadahadal la timaado.

 

"Ciidamada C/laahi uu ka keenayo Puntland, uuna ku tilmaamayo ciidamo Qaran, waxay abuureysaa isku dhac hor leh," ayuu yiri, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in ciidamada dalka la dhiso, laguna dhiso habka beelaha wax ku qeybsadaan.

 

The poor guy can only talk now because London ayuu joogaa, far, far from Xabashi.

 

Cabdi Shukri oo ku baaqay in Madaxweyne Yuusuf uu iscasilo

 

London
- Cabdishukri Cali Xirsi Jiija oo ahaa aasaasihii Isbaheysigii Ladagaalanka Argagaxisada oo ay Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho xooga ugu saareen ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya.

 

Cabdishukri oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xaalada ammaan daro ee xiligaan Muqdisho ka jirta sabab u yahay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Cabdilaahi Yuusuf oo uu ku eedeeyay inuu dalka keenay ciidamo uu ugu yeeray cadowga dalka Somalia.

 

Cabdishukri waxuu ammaanay ammaankii ay Muqdisho ka hirgaliyeen Maxkamadahii Islaamiga, kadib markii ay iyaga iska baxeen.

 

"Maxkamadaha hadii ay nala xaajoon lahaayeen waa hubaa inaan wax badan ammaanka iyo dib u dhiska dalka iska kaashan laheyn isla markana ma dhici laheyn inay dalka soo galaan ciidamada Ethiopian-ka" ayuu yiri Cabdishukri.

 

Cabdishukri ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Dowlada Federaalka inuu is casilo inta aan la qaban shirka dib u heshiisiinta maadaama uu ku eedeeyay inuu wax ka qaban waayay xaalada Somalia.

 

"Waxaa jira rag fara badan oo Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin ah isla markaana u qalma inay qabtaan xilka Madaxweynimada waa inuu Cabdilaahi Yuusuf ragaasi xilka u baneeyaa," ayuu yiri Cabdishukri.

 

Ugu dambeyntii, Cabdishukri Cali Xirsi Jiija ayaa qaadacay shirka dib u heshiisinta isagoo sheegay inaysan jirin beelo Soomaaliyeed oo is dagaalsan, waxuuna ugu baaqay Dowlada inay la heshiiso Maxkamadaha.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this