Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada Gacanlibaax oo Raali Gelin ka Bixiyay Baabuurkii ay ja Dhaceen Dhoqoshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhada Gacanlibaax oo Raali Gelin ka Bixiyay Baabuurkii ay ja Dhaceen Dhoqoshay

Hargeysa(Qaran news)-Jabhada Buurta Gacan Libaax ayaa raali galin ka bixisay gaadhi ay maanta ka soo qafaasheen magaalada Dhoqashey .
IMG-20230910-WA0004-300x297.jpg
Taliye ku xigeenka Jabhadaas oo warbaahinta la hadley waxuu cadeeyey in gaadhigaas ay soo qafaasheen dhalinyaro cadheysan , wax jabhadu isku ogeyd-na aaney aheyn

“Shacabku ha is dejiyaan , hawshan way dhamaaneysaa odayaashii West Burco Clan oo sharaf naga mudan ayaa nala jooga , waana aanu ogol nahay odayaashayda.”

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ayaa cadeeyey in meel fiican ay marayaan wada hadalka u socda jabhada iyo madax dhaqameedka West Burco Clan .

“Ilaa laba cisho ayuu wada hadalkaasi noo socon doona meel fiicana wuu noo marayaa…” ayuu yidhi taliye ku xigeenka Jabhadaas Cawil Faarax Dalmar

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this