Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye SHUB: Waxaan sugaynaa Shabaab-ka dagaallada lagu soo qab-qabto

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliye-Shub-Jeneral-Mahad.jpeg?fit=2048%

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Shub ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, isaga oo boggaadiyay guulaha waa weyn ee haatan laga soo hooyay.

Taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Asluubta uu sugayo in lasoo qab-qabto xubnaha Al-Shabaab ayaguna ay xiri doonaan, kuna hayn doonaan xabsiga.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa tilmaamay inay diyaariyeen goobihii lagu hayn lahaa xubnaha Al-Shabaab ee dagaalka lagu soo qabto, si ay ula wareegaan.

“Waxaan sugaynaa maxaabiista cadowga ee Al-qaacidada ahayd oo dalka dhibaataysay oo lasoo qab-qabto ayaan sugaynaa meeshii lagu xiri lahaa waa diyaar” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale taliyaha ayaa boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee jiidaha hore kula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay hureen naftooda.

“Maanta naf badan ayaa loo huray rag badan baa ku le’day, haddana kuwa kale ayaa diyaar ah inay naftooda huraan annagana kuwaas ayaan ku abtirsanaa” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku amaanay go’aanka uu ku aaday jiidda hore, si uu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

“Madaxweynihii ugu sarreeyay dalka wuxuu fadhiyaa furinta hore, dagaalka ayuuna hoggaaminayaa, asaa taliye ciidan awalba ahaa hadda asaa hoggaaminayo” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray marka la eego HirShabelle & Galmudug.

The post Taliye SHUB: Waxaan sugaynaa Shabaab-ka dagaallada lagu soo qab-qabto appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this