Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha duqayn ka dhacday Caasimadda Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   
3791306-540938816.jpg?resize=670%2C446&s

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo maanta ka dhacay xaafad ku taalla koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Guddiga wax iska caabinta oo ka mid ah kooxihii abaabuli jiray bannaanbaxyada dimuqraadiyad doonka ah haddana ka shaqeeya gargaarka xilliga dagaalka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in abaaro 7:15 subaxnimo ay diyaarado militari duqeeyeen agagaarka suuqa Qouro.

Isbitaalka ayaa dhanka kale soo saaray baaq degdeg ah oo ku socda dhammaan xirfadlayaasha caafimaadka ee magaalada in ay tagaan oo ay gacan ka geystaan daweynta tirada sii kordheysa ee dadka dhaawaca ah ee imaanaya halkaasi.

Tan iyo 15-kii April, Suudaan waxaa ka socda dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidanka qaranka iyo kuwa gurmadka degdegga ah ee RSF.

Ku dhawaad 7,500 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka socday mudada ku dhow shan bil, sida lagu sheegay qiyaas ay soo saartay hay’adda ACLED ee ka faalloota isku dhacyada hubaysan.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha duqayn ka dhacday Caasimadda Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this