Sign in to follow this  
Deeq A.

War cusub oo kasoo kordhay qorshaha ay Israel xiriir kula yeelaneyso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Eli-Cohen-scaled.jpeg?fit=2560%2C1707&ss

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel Eli Cohen ayaa qorsheynaya inuu xiriir la yeesho Soomaaliya, balse waxa uu wajahayaa diidmo ka imaneysa Golaha Amniga Qaranka, waxaa sidaas qoray warbaahinta Israel. 

Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, madaxa Golaha Amniga Qaranka, Tzachi Hanegbi ayaa kasoo horjeeda xiriir lala yeesho Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Israel aysan wax dan ah ugu jirin xiriir ay la yeelato mid ka mid ah dalalka “ugu dhaqaalaha liita” caalamka. 

Si kastaba, Cohen ayaa rajeynaya inuu xiriir la yeesho Soomaaliya, si uu u helo codka Soomaaliya ee masraxyada caalamka, halkaasi oo Soomaaliya ay ka codeyneysay Israel. 

Wargeyska ayaa qoray in xiisad ay ka dhex oogneyd Golaha Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda, taasi oo soo taagneyd tan iyo 2014, markaasi oo awoodda laga wareejiyey wasaaradda arrimaha dibedda, loona gacan geliyey golaha. 

Wargeyska ayaa intaas ku daray in xiisadda ay sii xoogeysatay kadib markii shaaca laga qaaday kulan sir ah oo dhex-maray Cohen iyo wasiirka arrimaha dibedda Libya Najla Al-Mangoush laba toddobaad kahor, kulankaas oo ka dhacay Roma. 

Times of Israel ayaa soo xigtay inay u muuqato in Cohen uu la kulmay kaaliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Cohen ayaa isku dayayey inuu dhiso xiriir dhex-mara Israel iyo Soomaaliya oo weligeed aan xiriir la yeelan Tel Aviv, islamarkaana aan dadka Israel u ogoleyn inay soo cag dhigtaan Soomaaliya. 

Waxaa xusid mudan in ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Nairobi 2016, hase yeeshee wixii markaas ka dambeeyey, kaliya wada-hadallo aan toos aheyn ayaa dhex-maray diblomaasiyiin ka kala socota labada dhinac. 

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin warbixinta wargeyska Times of Israel, balse Villa Somalia horey ayey u beenisay inay wax xiriir ah dhex-mareen labada dhinac.

Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv.

Israel ayaa bishii August 2020 waxay xiriir la sameysatay dhowr dal oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain. Sidoo kale bishii October, Sudan ayaa ku biirtay dalalka xiriirka la sameystay Israel. 

The post War cusub oo kasoo kordhay qorshaha ay Israel xiriir kula yeelaneyso Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this