Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Somalia oo sheegtay inay 20 Shabaab ah ku dishay dagaalkii Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   
Danab-ciidan-ciidamo-dagaal.jpeg?fit=204

Awdheegle (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidamada Xoogga dalka la gaareen xubnaha weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab oo ku billowdo qaraxyo.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay xubnaha Al-Shabaab ay goobta uga carareen maydadka 20 xubnood, kadib dagaalkii saaka ka dhacay halkaasi.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale warisay in weli ciidamadu ay wadaan tirakoobka khasaaraha rasmiga ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray dagaalka Awdheegle.

“Saraakiisha ciidammada ayaa hadda wada tira koobka qasaaraha rasmiga ah ee saakay lagu gaarsiiyey Khawaarijta dagaalka degmada Awdheegle” ayuu lagu yiri qoraalka dowladda.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Hoose.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maalmihii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada inta badan gobollada dalka.

The post Dowladda Somalia oo sheegtay inay 20 Shabaab ah ku dishay dagaalkii Awdheegle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this