Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil. Cabdiqani Dhaashane oo isaga baxay xisbiga Xukuumadda Puntland ee KAAH

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1694330035942.jpg?resize=479%2C47

Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamanka dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba isaga baxay xisbiga xukuumadda ee KAAH.

Qoraal kooban oo uu xildhibaan Dhaashane u diray xisbiga xukuumadda ee Kaah ayuu ku caddeeyay in uu iska casilay kamid ahaanshaha golaha dhexe ee Kaah.

Cabdiqani Dhaashane ayaa sidoo kale caddeeyay in uu gebi ahaanba isaga baxay xisbiga Kaah sababa isaga u gaar ah dartood balse sharraxaad kama bixin.

Wararka madax-bannaan ayaa xaqiijinaya in xildhibaan Dhaashane uu ku biirayo xisbiga Shaqaalaha ee Puntland si uu guddoomiye uga noqdo.

FB_IMG_1694329597913.jpg?resize=720%2C12

PUNTLAND POST

The post Xil. Cabdiqani Dhaashane oo isaga baxay xisbiga Xukuumadda Puntland ee KAAH appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this