Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday degmada Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   
Qarax-1.jpg?fit=1080%2C486&ssl=1

Awdheegle (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo ay saaka xubnaha kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo illaa iyo hadda socda, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in qaraxa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay bar koontraool oo laga soo galo degmada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qaraxa la fashiliyay, isla-markaana laga hortegay in xubnaha Al-Shabaab ay gudaha usoo galaan Awdheegle.

Waxay sidoo kale intaasi ku dareen in weli dagaalka uu socdo, isla-markaan ay howlgal ka hortag ah wadaan ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, ayada oo weli dhaq-dhaqaaq culus uu ka socdo degmada.

Awdheegle ayaa marar badan waxaa weeraro ku soo qaaday Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay horay ugu garaacday hoobiyeyaal gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobollada dalka.

The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday degmada Awdheegle appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this