Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska oo Gaadhi Cusub ku Wareejiyay Bilayska Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliska oo Gaadhi Cusub ku Wareejiyay Bilayska Sheekh

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) ayaa gaadhi ku wareejiyey ciidamada Booliska ee degmada Sheekh.

Taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil Cabdi Muuse Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibadii gaadhigan lagula kala IMG-20230909-WA0007-300x132.jpgwareegaayey ayaa sheegay in gaadhigan uu ciidamada Booliska ee degmada Sheekh soo gaadhsiiyey Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Guddoomiyaha Gollaha Deegaanka ee degmada Sheekh Ismaaciil Xabeeb, waxaanu taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) uga mahadceliyey gaadhigan uu gaadhsiiyey ciidamada Booliska ee degmada Sheekh, isaga oo cadeeyey in uu gaadhigani wax badan ka taraayo baahida ciidamada Booliska ee degmada Sheekh.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) ayaa gaadhiga la siiyay ciidamada Booliska ee degmada Sheekh uga mahadceliyey Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), waxaanu sheegay in gaadhigan ay ciidamada Booliska ee degmada Sheekh baahi weyn u qabeen.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this