Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Iswaafajinta Doorashooyinka oo ku Gudo-jira Naaqishaada Qaraarka loo xilsaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Iswaafajinta Doorashooyinka oo ku Gudo-jira Naaqishaada Qaraarka loo xilsaaray
IMG-20230909-WA0006-300x200.jpg
Hargeysa(Qaran news)- Guddidii Golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan loo xilsaaray iswaafajinta labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururrada ee dhawaan ay go’aamada xalka ah ka soo saareen madax-dhaqameedka beelaha bariga Burco.

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashiiyinka ee Golaha Wakiillada ayaa xarunta Golaha Wakiilada fadhigoodii 3aad ku lafa-gurey Xeerarka Doorashooyinka (Xeerka Doorashooyinka guud Xeer lr 91 iyo Xeerka doorashada ururrada Xeer Lr 14.

Shirkan oo uu gudoominayey Guddoomiyaha Guddidaas Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax.

Ma jirto weli wax go’aan ah oo ay kaga talo bixinayaan qaddiyadan miisaanka leh ee loo xilsaaray, iyadoo ay jirto in xildhibaanada Guddida ka tirsani qudhooda ay ku kala aragti duwan yihiin is waafajinta doorashadan isku sidkan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this