Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Sanbaloolshe: Xasan Tuure anagoo u soo aarin gabadhaheenu guur malaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Sanbaloolshe.jpg?fit=1920%2C1080&ssl=1

Maxaas (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo Maxaas ku sugan ayaa maanta si adag uga hadlay dagaalka Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu fartiin u diray dhinacyo uu sheegay in aysan daacad ka aheyn dagaalka kooxda.

Sanbaloolshe iyo beeshiisa isku dhaarsaday inay u soo aaraan Xasan Tuure iyo ku xigeenkii Danab ee Galcad lagu dilay, isagoo yiri “Ninkii Cali Madaxweyne ee ciidamada Soomaaliya ugu fiicnaa soo Xasan Tuure ma aheyn? Hadii aanaan Shabaab ka soo aarsan gabadheenu guur malaha.”

Sanbaloolshe ayaa soo jeediyey in wixii khilaaf ah meel la iska dhigo ee loo soo jeesto dagaalka Al-Shabaab, “Maxaas markii la isugu imaanayey waxaa adkeed in salaanta la iska qaado, hadda dib ayaa loo walaaloobay, waxaana go’aansanay in siyaasadda na kala qeybisay aan meel iska dhigno ee dagaalka u soo jeesano,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Wuxuu sheegay Sanbaloolshe in wax gorgortan siyaasadeed ah aysan Xawaadle geli karin, inta Shabaab ay hor taagan yihiin, sida uu ka hor sheegay boqolaal shacab ah oo maanta isugu soo baxay Maxaas.

“Marti ayaa nala joogta, dagaalka AlShabaab anagaa bilownay ee maanta maka baqanaa, markaasaan siyaasado kale ku mashquulnaa? Ayuu Sanbaloolshe weydiiyey shacabkii iyo masuuliyiintii maanta isugu soo baxay Maxaas.

Sidoo kale Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa si adag u weeraray dad uu sheegay inay Shabaab taageeraan oo suurad xumeeyaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

“Naago dayuusiin ah oo dagaalka aan ku jirin oo deeq aan bixineyn, oo war fiican aan laga heleyn iyo niman wareersan oo qurbajoog ah oo Shabaab u wada shaqeeyoo dulmi baraha bulshada ka wada miyaan warkooda yeelnaa, mise dagaalkaan xaqa ah ee waajibka ah ayaan galnaa?” Ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Wuxuu intaas ku sii daray in Xawaadle aysan xornimo heysan inta beelaha deriska la ah ay deegaanadooda Shabaab joogaan, “Inta Shabaab bari iyo galbeed naga xigo xornimo ma heysano, dalkaan inay difaacaan adinkaa la idinka rabaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa dadkiisa ka balan qaaday in hadii ay dagaal galaan aysan jaagoo doonin oo dhaawacyadoodu aysan dayacmi doonin, “Waa mideysanahay maanta kadib, dagaalkaan geleynaa, dagaalka ka hor Maxaas Madaxweyne ma imaa jirin, waxa la idinku tixgelinaayo waa sida aad cadowga isaga dul-qaadeen,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Hoos ka daawo

The post Daawo Sanbaloolshe: Xasan Tuure anagoo u soo aarin gabadhaheenu guur malaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this