Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay inay garab taagan tahay Marooko kadib arrintii ku dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashau dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.2 Richter oo ku dhuftay dalka Marooko, gaar ahaan maamullada Al Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal, Chichaoua iyo Taroudant.

War kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa looga  yacsiyeyeeyay musiibada ka dhalatay dhul gariirka Marooko oo sababay khasaare xoogleh.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Morocco.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Dhimashada ayaa haatan la xaqiijyay in 632 qof ay dhinteen 329 kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida laga soo xigtay wasaaradda, dadka dhaawacmay, 51 ka mid ah ayaa ku jiray xaalad halis ah dhulgariirka ka dib.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sii kororto kadib dhulgariirkii la sheegay in uu ku dhuftay saddex meelood meel dalkaasi kamida.

Wararka ayaa sheegaya in dhibaato weyn ay ka jirto sidii loo gaari lahaa tuulooyinka fog fog ee ku yaalla buuraha Atlas oo uu dhulgariirku si ba’an u saameeyay.

Si kastaba, waxaa laga yaabaa inay qaadato maalmo ka hor inta samatabbixiyeyaashu aanay gaarin tuulooyinkaas oo badi ka kooban dhismayaal duug ah.

The post DF oo shaacisay inay garab taagan tahay Marooko kadib arrintii ku dhacday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this